BOGGA HAY’ADDA BATROLKA IYO MACDANTA EE PUNTLAND, SOMALIA

Waxaad halkaan ka heleysaan macluumaadka la xiriira shidaalka, macdanta iyo dhagaxa Dhulka Udugga (PUNTLAND), SOMALIA.

Puntland waxay ku taal dhulka isku xira cirifka kore ee Somalia (Raas Casyr) ilaa waqooyiga Gobolka Mudug. Puntland waxaa lagu tuhumayaa inuu ku jiro shidaal mug leh hase ahaatee u baahan sahamin ballaaran. Dawladda Puntland waxay ku dadaalaysaa sidii ay u soo jiidan lahayd shirkadaha baaritaanka shidaalka inay badda iyo berriga Puntland ka baaraan shidaal. Eebbe hanagu garab galo.

Waxaa kale oo khayraadka dhulka laga helo ka mid ah macdanta, biyaha iyo dhagaxa oo loo isticmaalo siyaabo kala geddisan (sida soo samaynta sibirka, marmarka, dhismaha guryaha, laaminga, iwm), iyo biyaha dhulka hoostiisa jiifa. Degganaansho siyaasadeed iyo shicibka Puntland oo soo dhaweeya dadaalka dawladdu ugu jirto soo saaridda iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ayaa muhiim ah. Eebbe ha nagu garab galo.

Posted in Homepage